spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Somaliland oo baaq nabadeed udirtay dagaal deegaannada Waqdariya iyo Shidan ee...

Somaliland oo baaq nabadeed udirtay dagaal deegaannada Waqdariya iyo Shidan ee gobolka Sanaag.

0
18

Jimco 27 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa baaq nabadeed u diray dad dagaal shalay ku dhexmaray deegaannada Waqdariya iyo Shidan ee hoos taga degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka dirirtu dhex martay in ay si degdeg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay xasuusnaadaan xurmada bisha barakaysan ee Ramadaan, isaga oo carrabka ku adkeeyay in uu xaaraan yahay dhiigga Muslimka, gaar ahaan xilli la joogo bil ka mid ah bilaha ugu fadliga badan sannadka.

“Waxan ugu baaqaya in ay dagaalka joojiyaan dadka halka isku laayay, waayo dhiiga Islaamka waa la xaraantinimeeyay” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Dhanka kale, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), ayaa isaguna diray baaq nabadeed oo la mid ah kan Madaxweynaha, isaga oo sheegay in dagaalku dhexmaray laba beelood isla markaana ku adkeeyay in ay si shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka. Waxa uu tilmaamay in Wasaaradda Arrimaha Guduhu ka go’an tahay in khilaafaadka lagu xalliyo wada hadal iyo isfaham, isla markaana la dhowro dhiigga, sharafta iyo walaaltinimada bulshada.

Sidoo kale, xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa baaq nabadeed u diray dadka ku dagaallamay Shidan iyo Waqdariya, isaga oo sheegay in ay aad uga xun yihiin in bishan Ramadaan uu daato dhiig dad Muslim ah oo walaalo ah. Xisbiga ayaa ugu baaqay xukuumadda in ay si degdeg ah u kala dhex gasho dhinacyada dagaallamaya, isla markaana la abaabulo waayeelka iyo waxgaradka deegaanka si xal waara loo gaadho.

Kulmiye waxa kale oo uu ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, maadaama aan laga filayn wax natiijo wanaagsan ah, isla markaana uu sii fogaynayo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.

Dhinaca kale, Maamulka Waqooyi Bari ayaa shalay ku eedeeyay Somaliland in ay hurinayso colaadda ka taagan deegaanka Waqdariya, iyaga oo ku andacooday in dagaallada halkaas ka socda ay ka dambeeyaan faragelin ka timaadda Somaliland. Xukuumadda Somaliland weli si rasmi ah ugama ay jawaabin eedeyntaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here