Jimco 27 Feb 2026 {HMC} Xubnaha Mucaaradka ah ee saluugsan wax ka baddelka Dastuurka Dalka ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku leh shir ay uga hadlayaan doodda ay ka qabaan dhammaystirka Dastuurka oo gabagabo u maraya Baarlamaanka 11aad ee JFS.
Mucaaradkaan shiraya oo isugu jira madax xilal kala duwan dalka kasoo qabatay, kuwa hadda haya, Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka doodaya aragtidooda ku aaddan wax ka baddelka dastuurka Dalka.
Khudbado ayay jeedin doonnaan si mas’uul weliba oo madashaas ku sugan loo dhagaysto doodda uu ka qabo wax ka baddelka Dastuurka Kumeel-gaarka ah oo fadhiyada ugu horreeya ee Baarlamaanka lagu ansixin doonno.
Guddiyada Madaxabannaan iyo kan Baarlamaanka u qaabilsan Arrimaha Dastuurka ayaa dhowaan soo dhammaystiray saddexda cutub ee ka harsan Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka oo loo gudbiyay Baarlamaanka 11aad ee JFS.






