spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu wado in uu u codeeyo Dastuurka KMG ah...

Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu wado in uu u codeeyo Dastuurka KMG ah ee Dalka

0
12

Sabti  28 Feb 2026 {HMC} Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay u codeeyaan cutubyada ugu danbeeya ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka oo dooddooda lasoo gabagabeeyay maalin kahor.

Baarlamaanka oo lagu wado in uu fasax galo inta lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa la sheegay in kahor fasaxaas in uu u codaynayo cutubyada ka dhiman Dastuurka Dalka ee aqrinta iyo doodda la marsiiyay fadhiyadii lasoo dhaafay.

Sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan, Guddoonka Baarlamaanka Federaalka ayaa marka uu codayntaas helo kaddib waxa uu Xildhibaannada iyo senatarrada siinayaa fasaxa Ramadaanka iyo maalmaha ciiddul-Fitriga.

Qabyotirka Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka oo muddo qaadatay waxaa howshaas kasoo shaqeeyay Guddiyo loo xilsaaray oo isugu jira mid madaxabannaan iyo kan Baarlamaanka, doodo kala duwan ayaa lasoo geliyay iyada oo ugu danbayn Aqalka Baarlamaanka la geeyay.

Inkasta oo ay jiraan Xildhibaanno & Senatarro mucaaradsan howshaan laga wado Dastuurka Dalka isla markaana buuq ay ka sameeyay fadhiyo hore looga ganaaxay dhowr kulan balse ma u joogsan Dastuurka la dhex geeyo Baarlamaanka kana doodaan.

La soco wixii kasoo kordha

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here