Arbaco 4 March 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lacag dhan $3.88 Milyan oo doollar ku wareejisay 17,734 ruux oo xoolo dhaqato ah kuwaas oo saamayn taban ku reebtay abaarka ka jirta Dalka si ay uga soo kabtaan dhibaatada adag ee gaartay.
Dadka lacagta qaatay ayaa is diiwaangeliyay waqtigii guga ee April 2025 & xiligii Dayrta ee October 2025 kaddib markii xaalad roob la’aan darran ay soo wajahday, xoolihii ay dhaqanayeen uu dhulka ka qalalay sida hadalka loo dhigay.
Lacagtaan waxaa dadkaan Abaartu saamaysay loogu shubay Koontooyinka teleefannadooda gacanta sida lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xogtaan maanta baahisay.
Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa saamayn taban ku reebtay qoysas isugu jira Xoolo dhaqato iyo beeralay, waxa ay dadkaas qaarkood sheegeen in ay xoolahooda ku waayeen abaartaas, Dowladda Federaalka ayaa dalbatay in laga qaybqaato garab istaagga Dadkaas.



