Arbaco 4 March 2026 {HMC}Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in haddii maanta uu Baarlamaanka 11aad ee Federaalka ansixiyo Dastuurka wax ka baddelka lagu sameeyay uusan ka dhaqangeli doonnin deegaannada maamulkaas uu maamulo.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Maamulka Jubbaland ayaa lagu dhaleeceeyay tallaabada wax ka baddelka loogu sameeyay Dastuurka Dalka oo ugu dambayn maanta horyaalla codaynta labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
“Jubaland waxa ay caddeynaysaa in aysan qayb ka ahayn habraacyada iyo tallaabooyinka lagu wado wax ka beddelka Dastuurka, maadaama wadiiqooyinka loo marayo ay yihiin kuwo aan waafaqsanayn heshiisyadii iyo habraacyadii lagu dhisay Dastuurka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka DG Jubbaland kasoo baxay.
Waxa ay intaas ku dartay in Xildhibaannada labada Aqal ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland ku metala Baarlamaanka ay ka maqan yihiin Fadhiga maanta, arrintaan ayay ku sifaysay in aysan waxba ka qusayn natiijo weliba oo kasoo baxda codaynta sida hadalka loo dhigay.
“Jubaland waxay si cad u sheegeysaa in dadka iyo deegaanada Jubaland aan lagu dhaqi doonin, lagana aqoonsan doonin, go’aan kasta oo hal dhinac ah oo wax looga beddelayo Dastuurkii Heshiiska lagu ahaa, iyadoo aan loo marin wadatashi qaran oo loo dhan yahay” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadedka DG Jubbaland.
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u codaynaya Dastuurka Dalka oo wax ka baddel iyo dhammaystir lagu sameeyay, haddii codayntoodu ku aqbalaan waxa uu ka bixi doonnaa hannaanka Kumeel-gaarka ah oo tan iyo sanadkii 2012 uu ku jiray



