Khamiis 5 March 2026 {HMC} Milatariga Maraykanka ayaa xaqiijiyay magaca askari shanaad oo ku dhintay weerar ay diyaarad aan duuliye lahayn oo ay Iiraan fulisay ka geysatay Kuwait maalmahii hore ee dagaalka.
Major Jeffrey O’Brien, oo degganaa magaalada Waukee ee gobolka Iowa, ayaa loo magacaabay sarkaal ka tirsan Signal Corps ee Ciidanka Kaydka Maraykanka sanadkii 2012. Wuxaana loo diray Kuwait sanadkii 2019, sida lagu sheegay bayaanka.
O’Brien waxuu haystay bilado badan oo ciidanka Maraykanka ah kuwaas oo kala ahaa:
Biladda Guusha Ciidanka (Army Achievement Medal), Ammaanta Qaybta Ciidanka ee Mudan (Meritorious Unit Commendation), Abaalmarinta Qaybta Sare ee Ciidanka (Army Superior Unit Award), Biladda Guusha Qaybta Kaydka ee Ciidanka (Army Reserve Component Achievement Medal), Biladda Adeegga Difaaca Qaranka (National Defense Service Medal), Biladda Hawlgalka Dagaalka Caalamiga ah ee Ka Dhanka ah Argagixisada (Global War on Terrorism Expeditionary Medal), Xarigga Adeegga Ciidanka (Army Service Ribbon), iyo Biladda Kaydka Ciidamada Qalabka Sida oo wata calaamadda “M”.
Askarta Maraykanka ayaa la dilay markii nidaam diyaaradeed oo aan duuliye lahayn uu ka baxsaday difaacyada cirka si uu u garaaco xarun talis oo ku taalla Port Shuaiba ee Kuwait maalintii Axadda.
Taliska Dhexe ee Maraykanka ayaa markii hore sheegay in saddex askari ay ku dhinteen weerarka, balse saraakiishu waxay Isniintii xaqiijiyeen in tirada dhimashadu labanlaabantay, kadib markii qof dhaawacii u dhintay iyo laba mayd oo kale laga helay burburka.
Xigasho BBC



