wakiilka Qaramada Midoobay oo loo Magacaabay James Swan.

0
24

Jimco 6 March 2026 {HMC}  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay diblomaasiga Mareykanka James Swan inuu noqdo Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Hawlgalka Xasilinta Qaramada Midoobay ee dalka Democratic Republic of the Congo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in James Swan uu hoggaamin doono howlgalka Qaramada Midoobay ee dalka Democratic Republic of the Congo (MONUSCO), isagoo xilka kala wareegaya Bintou Keita, oo Qaramada Midoobay uga mahadcelisay shaqadii ay ka qabatay hawlgalkaas.

Magacaabistan ayaa ka dhigan in Swan uu baneeyo xilkii uu ka hayay Soomaaliya, halkaas oo uu tan iyo Maarso 2025 ka ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud iyo madaxa United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia (UNTMIS). Waxa uu sidoo kale hore u soo hoggaamiyay United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) intii u dhaxaysay 2019 ilaa 2022.

Bixitaanka Swan ee Muqdisho ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay kacsan tahay, iyadoo hoggaanka siyaasadda dalka ay isku khilaafsan yihiin arrimaha la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka.

Dhanka kale, hawlgalka MONUSCO ee uu Swan hoggaamin doono ayaa ah mid ay Qaramada Midoobay dhistay sanadkii 2010 si loo ilaaliyo rayidka, loo taageero dowladda Congo, loona xasiliyo gobollada ay ka jiraan colaadaha, gaar ahaan bariga dalka.

Gobolladaas waxaa weli ka jira dagaallo ay ku lug leeyihiin kooxo hubeysan oo ay ka mid tahay March 23 Movement (M23), taas oo gacanta ku haysa dhul ballaaran oo ay ku jiraan magaalooyinka Goma iyo Bukavu. Dowladda Congo iyo Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ku eedeeya dalka Rwanda inuu taageero kooxda M23, inkastoo Kigali ay arrintaas si adag u beenisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here