Iiran ayaa hadda duqaysay Abu Dhabi iyo Kuwait

0
15

Sabti 7 Maarso 2026 {HMC} Ciidammada millatariga Iiraan ayaa ku dhawaaqay weerarro cusub oo loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu qaaday saldhigyo Mareykanku ku leeyahay gobolka.

Milatarigu wuxuu sheegay in saaka ciidammada badda ay duqeymo drone ah ku beegsadeen saldhigyo Mareykanku ku leeyahay Abu Dhabi iyo saldhigga Al-Adiri oo ku yaalla dalka Kuwait.

AFP ayaa sheegtay in saaka qaraxyo laga maqlay Dubai iyo Manama, caasimadda dalka Baxrayn.

Manama gudaheeda, shiidhiga digniin ah ayaa la maqlay, waxaana Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Baxrayn fariin ay ku daabacday barta X ay ku boorrisay dadka magaalada deggan “inay u tagaan goobta ugu dhow ee ammaan ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here