Sabti 7 Maarso 2026 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay weerarrada gantaallada ah ee ka dhanka ah Dalalka Khaliijka Carabta, waxa ay ka raalligalisay gantaalladaas oo khasaara naf iyo mid maaliyadeed kasoo gaartay dalalkaas.
Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian oo muuqaal soo duubay lagana baahiyay Warbaahinta Dowladda waxa uu ku sheegay in Xukuumadda Tehran aanay marnaba jeclayn in ay beegsato Dalalka Carabta balse dantu sidaasi ka dhigtay.
“Dalalka Deriska waxa aan ka raalligelinayaa weerarkii aan ku qaadnay, Iiraan waxa ay go’aansatay in aysan mar dambe weerarin waa haddii aan duullaan dhankaas uga imaan, ma doonayno in aan ku duulno” ayuu yiri MW Iiraan Masoud Pezeshkian
Muuqaalkaan oo isbaddel degdeg ah watay ayuu Madaxweyne Masoud dhanka kale ku sheegay in Golaha kumeel-gaarka ah ee Iiraan uu ka fadhiistay arrintaan isla markaana uu go’aankaan ku gaaray, waxa uu dalalka carabta uga digay in dhexdooda laga soo weerarro.
Waxa uu caddeeyay in ay jiraan Dad dano gaar ah ka leh sidii Iiraan iyo deriskeeda isugu dhici lahaayeen balse Tehran ay ka feejigan tahay arrintaasi, waxa uu usoo jeediyay in ay iskaashi dhinaca nabadda ah samaystaan sida uu hadalka u dhigay.
“Ciidamada Qalabka sida waxaa la faray wixii hadda ka dambeeya in aysan weerarin dalalka deriska ah, kuwa ka fikiraya in ay xiligaan ka faa’iidaystaan si ay u weeraraan Iiraan waa in aysan noqon calooshood u shaqaystayaal boqortooyo ah” ayuu yiri Madaxweyna Iiraan, Masoud Pezeshkian
Dalal badan oo Carab ah ayaa codsaday in kulan degdeg ah oo Ururka Jaamacadda Carabta ku yeeshaan aaladda fogaan aragga ah si ay uga arrinsadaan dhibaatooyinka haysta waddamadaan tan iyo 28kii Febaraayo sanadkaan 2026.



