Dowlada Maraykanka oo wiil Soomaaliyed ku xukuntay ku dhawaad 5 sano oo xabsi ah.

0
15

Sabti 7 Maarso 2026 {HMC} Cabdulkarim Faarax oo asalkiisu yahay Soomaali ku nool magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa lagu xukumay 57 bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay inuu door ku lahaa isku day lagu laaluushayay xubin ka tirsan xeer-beegti (jury).

Xukunkiisa ayaa la xiriira dacwad weyn oo ku saabsan eedeymo sheegaya in lacago badan oo loogu talagalay barnaamijyada quudinta carruurta intii lagu jiray cudurka COVID-19 si khiyaano ah loo qaatay. Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay tobannaan qof inay ka faa’iideysteen barnaamijyadaas iyagoo sameeyay sheegashooyin been ah oo ku saabsan cuntada la siiyo carruurta.

Intii ay socotay mid ka mid ah maxkamadihii ugu horreeyay ee kiiskaas, Cabdulkarim Farax ayaa la sheegay inuu ka qeyb qaatay qorshe lagu doonayay in lagu laaluusho xubin ka mid ah xeer-beegtida si ay u soo saarto go’aan ah in eedeysanayaashu aanay dembi lahayn. Sida ku cad dukumentiyada maxkamadda, Faarax iyo dad kale ayaa bartilmaameedsaday xubin xeer-beegti ah oo loo aqoonsaday “Juror 52”.

Garsooraha federaalka ee kiiska xukunka ku riday, Eric C. Tostrud, ayaa sheegay in nidaamka xeer-beegtida uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee caddaaladda dembiyada ee Mareykanka, isla markaana isku day kasta oo lagu faragelinayo xeer-beegtida uu yahay arrin aad u culus. Garsooraha ayaa sidoo kale u mahadceliyay xeer-beegtida la bartilmaameedsaday oo diiday inay qaadato laaluushka.

Baaritaanka kiiskan waxaa hoggaaminayay hay’adda Dambi Baarista Maraykanka, iyadoo ay gacan ka geysteen hay’ado kale oo federaal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here