Shirkada Meta oo joojisay qayb ka mid ah mashruuca fiilooyinka badda Hoosteerw Mara ee Africa-2”.

0
7

Sabti 14 March 2026 {HMC} Shirkadda tiknoolajiyadda ee Meta ayaa hakisay qayb ka mid ah mashruuc weyn oo loogu talagalay fidinta adeegyada internet-ka ee Afrika iyo Bariga Dhexe, kaas oo la qorsheeyay in lagu xiro dalal badan oo gobolka ah.

Mashruucan ayaa ahaa mid lagu dhisayo fiilooyin internet oo badda hoosteeda mara , kuwaas oo lagu xoojin lahaa isku xirka internet-ka ee qaaradda Afrika iyo dalal badan oo Khaliijka iyo Asia ku yaalla.

Qorshuhu wuxuu ahaa in fiilooyinku ay maraan xarumo ku yaalla dalal ay ka mid yihiin Cumaan, Imaaraadka, Qatar, Baxrayn, Kuweyt, Ciraaq, Sacuudi Carabiya, Pakistan iyo Hindiya, si loo kordhiyo awoodda isku xirka internet-ka caalamiga ah.

Wararka ayaa sheegaya in hakinta mashruuca ay sabab u tahay xiisadaha iyo dagaallada ka socda Bariga Dhexe, kuwaas oo saameyn ku yeeshay qorshayaal badan oo kaabayaal isgaarsiineed oo gobolka laga fulin lahaa.

Go’aankan ayaa sidoo kale imanaya wax ka yar lix bilood kadib markii Meta ay hore u dib u dhigtay qayb kale oo ka mid ah mashruuca “Africa-2”, oo ah nidaam fiilooyin badeed oo aad u weyn oo dhererkoodu gaarayo qiyaastii 45,000 kiiloomitir.

Mashruuca Africa-2 waxaa loo arkaa mid ka mid ah shabakadaha fiilooyinka badda ee ugu waaweyn dunida, waxaana loogu talagalay inuu kordhiyo xawaaraha internet-ka, yareeyo kharashyada isku xirka, isla markaana xoojiyo kaabayaasha dhijitaalka ee Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here