Howlgallo ka dhan ah ‘AS’ oo ka dhacay Dowlad-Goboleeda Galmudug.

0
10

Talaado 17 March 2026 {HMC} Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa guullo ka sheegatay howlgallo ka dhacay deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedkaas, waxaana ay tilmaamtay in ay kahortagtay xubno katirsan ‘AS’ oo halkaas ku sugnaa sida ay hadalka u dhigtay.

Galmudug ayaa magacyada deegaannada ay howlgalka ka samaysay ku sheegtay Ceel Gobaad, Kurdheer, Ceel La helay & Dhaban Dhul Kuheys, waxa ay intaas ku dartay in howlgalkaan uu ahaa mid la qorsheeyay kuna socday bartilmaameed sax ah.

Howlgalkaan oo ahaa mid ballaaran waxaa iska kaashadaan Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug gaar ahaan Ururka Gallayr, Ciidanka Madaxtooyada & kuwo kale.

Bayaanka kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa lagu sheegay in la burburiyay fariisimo ay ‘AS’ ku sugnaayeen si loo adkeeyo amniga deegaannada Dowlad-Goboleedkaas gacanta uga jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here