Maxay tahay waxa uu kala kulmay Donald Trump duullaanka Iiraan uu kuqaaday ?

0
10

Talaado 17 March 2026 {HMC}  Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dalkiisa usoo jeediyay ceeb xun kaddib markii uu kaalmo militari waydiistay dalal uu horay ugu sheegay in aysan waxba gelin balse mudankiisa ay maanta mariyeen kaddib markii ay diideen inay garabsiiyaan.

Donald Trump oo ku jabay dagaallada socda waxa uu ka khasaaray dhinacyada Militariga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda, waxa uu joogaa heer uu ku fakiro in uu naf ka raadiyo dalal Ameerika ay dhinac isaga riixi jirtay culayskaas haysta dartiis.

Dagaalka Iiraan oo si aan ka fiirsi lahayn uu u galay ayaa ku noqday mid si kale isku rogay kolkii Xukuumadda Tehran ay beegsatay Dalalka Khaliijka si ay u tusiso hubka uu ku faanayo in aanay waxba ka celin Karin Dalalkaas Carbeed.

Dhowr maalin ayaa la duqaynayay Saldhigyo iyo talisyo Maraykanka uu ku leeyahay Carabta weliba dhowr waddan ilaa markii dambe uu gaaray in uu ciidamadiisa iyo qalabkiisa Militariga uu kala baxo halkaas waa inta ka badbaaday duqaymihii hore.

Marinka Hormuuz oo Shidaalka Carabta iyo tan kale ee Caalamka ay marto 20% waxa ay Maraakiibtu u joogsadeen hanjabaad uga timid Iiraan, si uu Trump cabsidaas meesha uga saaro waxa uu u qaylo-dirsaday saaxiibadiis oo ugu dambayn ka diiday dalabkaas.

Haddaba, maxaa ugu wacan in Donald Trump uu waji-gabax kala kulmo saaxiibadiis Siyaasadeed?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here