Talaado 17 March 2026 {HMC} Markab samatabbixin ah oo lagu magacaabo Aita Mari, lagana leeyahay dalka Spain, ayaa badbaadiyay ugu yaraan 32 qof oo muhaajiriin ah, kuwaas oo isugu jira 27 rag ah iyo 5 dumar ah, xilli ay ku jireen xaalad halis ah oo ka jirtay badda Mediterraneanka.
Muhaajiriintan ayaa ka kala yimid dalal Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Somalia, Cameroon, Eritrea, Mali, Burkina Faso, Nigeria, Ghana, iyo Côte d’Ivoire.
Dadka la badbaadiyay waxaa ka mid ahaa haweeney uur leh oo siddeed bilood ah iyo sagaal carruur ah oo da’doodu u dhaxeyso 2 ilaa 15 sano, kuwaas oo wajahaya xaalad nolol iyo geeri u dhaxeysay.
Tahriibayaashan ayaa saarnaa doon yar oo buufin ah oo ka sameysan bac, taasoo muddo laba maalmood ah ku dhex jirtay badda iyada oo aan lahayn hage ama jihayn cad. Sida ay sheegtay hay’adda Salvamento Marítimo Humanitario (SMH), doonida ayaa ku jirtay xaalad aad u halis badan xilliga la helay.
War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku xaqiijiyeen in dhammaan dadka la socday doonida si nabad ah loo badbaadiyay, taasoo ka hortagtay musiibo bani’aadamnimo oo weyn.
Kabtanka markabka Aita Mari ayaa sheegay in howlgalka samatabbixinta uu dhacay qiyaastii 7:32 subaxnimo, Axaddii, kadib markii ay heleen wargelin degdeg ah oo ku saabsan doon dhibaato ku jirta.
Muhaajiriinta la badbaadiyay ayaa hadda loo sii qaaday dekedda Vibo Valentia ee gobolka Calabria, dalka Italy, halkaas oo la filayo inay gaaraan Talaadada, si gargaar iyo daryeel caafimaad loogu sameeyo.



