Dowladda Federaalka hakisay Diyaaradihii aadi jiray Baydhabo.

0
17

Talaado 17 March 2026 {HMC} Ka dib markii Maamulka Koofur Galbeed uu xiriirka u jiray Dowladda Federaalka ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in la hakiyay duulimaadyadii tagi jiray Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.

Sida ilo xog ogaal ah noo xaqiijiyeen Baydhabo waxaa maanta ka dagay laba diyaaradood oo mid siday Jaad, halka mida kalena ay leedahay Qaramada Midoobay.

Diyaarad kale oo la qorsheeyay in ay qaado dad rayid ah ayaa lagu hakiyay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo dadkii rakaabka ahaa ay dib ugu laabteen guryahooda, sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogeyaal.

Tillaabooyinkan ayaa ku soo aaday xilli War-saxaafadeedka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed a lagu sheegay in ay hakiyeen xiriirka ay la lahaayeen Dowladda Federaalka.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay ciidamo ku abaabushay deegaannada Koofur Galbeed sidoo kalena Wasiiro katirsan Xukuumadda Dan-Qaran ay ku lug leeyihiin kana jawaabi waysay xiriir ay la sameyeen sida hadalka loo dhigay.

Ma jiro war kasoo baxay Dowladda Federaalka oo looga jawaabay arrintaan, waxaa isasoo taraya xiisadda siyaasadeed ee Deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyada oo deegaannada qaar ay ka dhaceen dagaallo halka meelaha qaar abaabul uu ka socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here