Saxafi Israa’iili ah oo sheegay in uu helay fariin hanjabaad dil ah oo uga timid dad galay sharad lagu helayo $14 milyan.

0
12

Talaado 17 March 2026 {HMC} Saxafi Israa’iili ah oo lagu magacaabo Emanuel Fabian, kana tirsan wargeyska Times of Israel, ayaa sheegay inuu helay hanjabaado dil ah oo uga yimid dad galay sharad lagu helayo $14 milyan.

Dadkan waxay ku sharatameen gantaallada Iiraan inaysan ku dhacayn gudaha Israa’iil oo ay nidaamyada difaaca ka hortaggi doonaan, halka kuwa kale ay ku sharatameen in gantaalladu ku dhacayaan gudaha Israa’iil.

Balse ,wargeyska Times of Israel ayaa joogteeyay inuu soo bandhigo gantaallada ku dhacay gudaha Israa’iil, gaar ahaan warbixinno uu qoray saxafiga Emanuel Fabian, markaas ayay dadka sharadka galay ka dalbadeen inuu warbixinnada beddelo ama dib u qoro.

Fabian wuxuu sheegay inuu helay emailo, wicitaanno iyo fariimo WhatsApp ah oo hanjabaad ah. Mid ka mid ah fariimaha ayaa lagu yiri: “Kadib markaad naga khasaarisay $900,000, waxaan lacag intaas la eg ku bixin doonnaa si lagaa eryo shaqada.”
Wariyahan wuxuu arrintan u gudbiyay booliska Israa’iil, kuwaas oo bilaabay baaritaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here