Talaado 17 March 2026 {HMC} Maraykanka iyo Israa’iil iyagoo sii wada dagaalka ka dhanka ah Iiraan, wali ma jiraan tirokoobyo cad oo xaqiijinaya dhinaca dhab ahaantii guuleysanaya.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si joogto ah u adkeeyay inuu jug culus u geystay Iiraan, isagoo si gaar ah u sheegay marar badan in uu burburiyay ciidanka badda iyo cirka ee dalkaas, iyo waxyaabo kale.
Si kastaba ha ahaatee, marka la eego sida Iiraan ay u sii kordhineyso firfircoonideeda, iyo weerarradeeda sii socda, gaar ahaan kuwa ka dhanka ah saldhigyada milatari ee Maraykanka ee Bariga Dhexe, waxay u muuqataa in weli ay jiraan wax badan oo soo socda.
Mr. Trump ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in wax walba ay u dhammaadeen Iiraan, isla markaana kuwa yar ee harsan ay is dhiibayaan, isagoo sheegay in Iiraan ay sidoo kale bilowday inay codsato xabbad-joojin.
Hase yeeshee, mas’uuliyiinta Iiraan ayaa beeniyay codsiga xabbad-joojinta, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay dagaalka sii wadaan ilaa dhammaadka.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in la burburiyay difaacooda hawada, awooddooda badda, iyo nidaamkooda hoggaamineed.
Wuxuu ku daray: “Waxay rabaan inay wada hadlaan, laakiin waxaan u sheegay in waqtigu dhammaaday!”
Iran oo ka jawaabeysa ayaa sheegtay in ay iska difaaceyso weeraro kaga imanaya Israa’iil iyo dalalka kale ee Bariga Dhexe oo uu Mareykanku ku leeyahay saldhigyo ciidan.
Ujeeddooyinka Maraykanka iyo madaxweynihiisa Donald Trump kama cadda si buuxda dagaalkan, balse waxaa la ogyahay in ay jiraan arrimo ay ka mid yihiin hubka nukliyeerka ee Iiraan iyo sidoo kale qorshaha la xiriira in la rido ama la beddelo dowladda Iiraan.
Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo hoggaamiyihii diinta ee dalka la dilay, haddana qof kale ayaa durba lagu beddelay, waxaana sidoo kale fashilmay baaqyadii ka yimid Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu ee ahaa in shacabka Iiraan ay kacaan oo ay ridaan dowladdooda—xitaa khubaradu waxay aaminsan yihiin in dagaalku uu sii xoojiyay midnimada dadka Iiraan.
Xitaa ka hor inta uusan dagaalku bilaaban, wadahadallo u dhexeeyay Maraykanka iyo Iiraan ayaa ka bilowday Geneva bishii Febraayo, kuwaas oo ay dhexdhexaadinaysay Cumaan, halkaas oo horumar laga sameeyay.
Cumaan waxay sheegtay in Iiraan ay markii hore muujisay oggolaansho ah inay joojiso horumarinta hubka nukliyeerka, balse aysan oggolaan inay joojiso horumarinta gantaallada, sidoo kalena aysan ka tanaasulin taageerada ay siiso kooxaha sida Xuuthiyiinta Yemen iyo Xisbullah ee Lubnaan.
Laakiin waxay u muuqataa in mid ka mid ah danaha ugu waaweyn ee Maraykanka uu yahay in meesha laga saaro nidaamka muxaafidka ah ee Ayatollah, laguna beddelo kuwo dhexdhexaad ah oo ay u arkaan kuwo aan khatar ku ahayn Maraykanka iyo deriskiisa.
Mid ka mid ah waxyaabaha uu Maraykanku doonayo inuu sameeyo waa inuu xaaladda ku adkeeyo oo uu daaliyo Iiraan ilaa ay ka tanaasusho. Hase yeeshee, arrintaas lafteedu waa mid aad u adag, maadaama dalka uu weli muujinayo calaamado weerar iyo iska caabin.
Intaa waxaa dheer, xiritaanka marin-biyoodka Hormuz ee Iiraan ayaa sii kordhiyay dhibaatada tamarta ee caalamka, taasoo muujineysa in Maraykanku uu sameyn doono wax kasta oo suurtagal ah si loo furo marinka, balse uu u baahan doono taageerada dalal kale.
Mohammad Qaddam Siddiq Isa, oo ah falanqeeye Bariga Dhexe ah, ayaa sheegay in Maraykanku uu doonayo inuu ka hortago in Iiraan ay hesho hub nukliyeer ah.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in Maraykanku uusan si toos ah ugu riixayn in la rido dowladda Iiraan, balse haddii uu keeni karo isbeddel, uu u arko guul.
Israa’iil maxay dooneysaa?
Dhankeeda, Israa’iil waxay dooneysaa in la yareeyo ama gebi ahaanba oo la burburiyo kaydka gantaallada ee Iiraan, isla markaana la dumiyo saldhigyadeeda milatari.
Si kastaba ha ahaatee, hay’adaha iyo kaabayaashaas waa kuwa dib loo dhisi karo xitaa haddii la burburiyo, balse Israa’iil waxay rabtaa inay Iiraan u muujiso in ay mar kale burburin karto haddii dib loo dhiso muddo bilo gudahood ah.
Israa’iil waxay u aragtaa hubka gantaallada ee Iiraan iyo dadaalladeeda la sheegay ee ku aaddan helitaanka hub nukliyeer ah khatar weyn.
Iiraan waxay leedahay warshado gudaha ah oo soo saara diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxayna xitaa siisay Ruushka diyaaradaha Shahed si uu ugu adeegsado dagaalka Ukraine.
Sidoo kale, Iiraan waxay gaarsiisay kobcinta yuraaniyamka heer 60%, taas oo ka sarreysa heerka looga baahan yahay soo saarista tamarta.
Hase yeeshee, Qaddam wuxuu intaas ku daray in Israa’iil ay wax yar kaga horreyso Maraykanka marka laga eego dalabaadka, maadaama ay dooneyso in gebi ahaanba la rido dowladda Iiraan.

Rejada Iran
Danaha Iiraan ma badna, maadaama ujeeddadeeda ugu weyn ay tahay inay ka fogaato shuruudaha ay Maraykanka iyo Israa’iil doonayaan inay ku gaaraan dagaalka.
Qaddam ayaa sheegay in marka dagaalku dhammaado, haddii Maraykanka iyo Israa’iil ay ku guuldareystaan inay gaaraan ujeeddooyinkooda, markaas oo keliya ay Iiraan sheegan doonto guul dagaalkaas.
Iiraan sidoo kale waxay dooneysaa dammaanad qaad ah inaan mar kale la weerarin mustaqbalka.
Hadda dagaalku wuxuu u wareegay dhinaca dhaqaalaha, iyadoo xiritaanka marin-biyoodka Hormuz ee Iiraan uu soo jiitay dareenka caalamka.

Iran ma guulaysan kartaa?
Marka laga hadlayo in Iiraan ay guuleysan karto, Qaddam Siddiq wuxuu sheegay in arrintu ay ku xiran tahay waxa dhinac walba u arko guul.
“Guusha ugu weyn ee Iiraan waxay noqon kartaa inay soo afjarto dagaalka iyadoo Maraykanka iyo Israa’iil aysan gaarin ujeeddooyinkooda,” ayuu yiri.
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo Donald Trump uu sheegto guul, haddana wuxuu weli raadinayaa taageerada dalalka Yurub, Qaramada Midoobay, iyo kuwo kale, gaar ahaan arrinta furitaanka marin-biyoodka Hormuz.
Arrintan waxay keentay in dadka qaarkood u arkaan mid u eg dacaayad, taasoo adkeynaysa in si dhab ah loo fahmo guulaha dhinacyada.
Dhanka kale, qaar ayaa u arka weerarrada joogtada ah ee Iiraan, xiritaanka marin-biyoodka Hormuz, iyo carqaladeynta ganacsiga tamarta caalamka inay muujinayaan in Iiraan ay weli door firfircoon ka ciyaareyso dagaalka.
Arrin kale oo muhiim ah ayaa ah in Iiraan ay leedahay taariikh dheer oo iska caabin dagaal, sidoo kalena ay ka mid tahay dalalka leh saldhigyo milatari oo badan oo ku yaalla Bariga Dhexe.
Warbixin ka soo baxday Xarunta Daraasaadka Caalamiga ah ee awoodda milatari ee 2025 ayaa sheegtay in Iiraan ay leedahay qiyaastii 610,000 oo askari, oo ay ku jiraan 350,000 oo ka tirsan ciidanka dalka iyo 190,000 oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka, kuwaas oo mas’uul ka ah horumarinta drones-ka, gantaallada, iyo hawlgallada kale ee gobolka.
Iiraan sidoo kale waxay ku tiirsan tahay xulafadeeda gobolka, oo ay ka mid yihiin Xuuthiyiinta Yemen, Xisbullah ee Lubnaan, kooxaha hubeysan ee Ciraaq, iyo Xamaas.
Nicole Grajewski ayaa sheegtay in inkastoo cunaqabateynno ay saaran yihiin Iiraan, haddana dalka uu leeyahay taariikh dheer oo u adkeysiga colaadaha muddada dheer.
Marka laga hadlayo adkeysiga Iiraanwaxaa tusaale loo soo qaadan karaa dagaalkii ay la galeen Ciraaq, halkaas oo lagu weeraray magaalooyin badan inkastoo ay liidatay dhinaca hubka casriga ah xilligaasi , hadana way is difaacday.
Xigasho BBC Somali



