Arbaco 18 March 2026 {HMC} aliyaha ciidanka Iiraan, Amir Hatami, ayaa ku hanjabay inuu bilaabi doono aargoosi kama dambays ah, kadib dilka taliyihii amniga Ali Larijani oo lagu dilay weerar cirka ah oo Israa’iil qaaday.
“Wakhtiga iyo goobta ku habboon, jawaab go’aan leh, cabsi gelin ah, oo laga shallaayi doono ayaa la siin doonaa Maraykanka dambiga galay iyo nidaamka Sahyuuniyadda ee dhiigga u ooman,” ayuu Hatami bayaan ku sheegay.
Wuxuu intaas ku daray in Larijani iyo dhimashada “shuhadada” kale la aargudan doono.
Ilaalada Kacaanka ee Iiraan, oo ka madax bannaan ciidanka caadiga ah, ayaa sheegay inay horey u bilaabeen gantaallo ay ku garaacayaan bartamaha Israa’iil “oo aargoosi u ah” dilka Larijani, sida ay sheegtay wakaaladda wararka AFP.



