Wadamada Khaliijka oo galay Xaalad Adag Kadib Markii uu Dayacay Mareykanka.

0
12

Arbaco 18 March 2026 {HMC} Wargeyska Ingiriiska ee The Times ayaa ku warramay in dalalka Khaliijka ay dareemayaan in Mareykanku dayacay, xitaa uusan horey uga wargelin weerarka lagu qaaday Dowladda Iiraan.

Arrintan ayaa gelisay xaalad adag wadamada Khaliijka kuwaas oo dhaqaale badan ku bixiyay si ay u kasbadaan kalsoonida Trump.

Sarkaal ka tirsan dalalka Khaliijka ayaa wargeyska u sheegay in Mareykanku awooddiisa si buuxda ugu adeegsanayo difaaca Israa’iil oo horayba u lahayd nidaamyo difaac oo xooggan,halka uu iska indho tiray dalalka Khaliijka, kuwaas oo maanta la kulmaya khasaare weyn oo ka dhashay martigelinta saldhigyada Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here