Khamiis 19 March 2026 {HMC} Sida ay baahisay Al Jazeera ; ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa caawa ku hanjabay in ay burburin doonaan warshadaha shidaalka iyo gaaska ee dalalka Khaliijka haddii mar kale la weeraro qaybaha tamarta ee Iiraan.
Warsaxaafadeed ka soo baxay ciidanka Ilaalada kacaanka Iiraan ayaa lagu yiri:
“Waxaan mar kale idin uga digeynaa inaad khalad weyn gasheen markaad beegsateen kaabayaasha tamarta ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, jawaabta arrintaasna hadda waa la fuliyay.”
Waxa kale oo lagu daray:
“Haddii arrintan mar kale la sameeyo, weerarrada lagu qaadi doono kaabayaasha tamarta ee idinka iyo xulafadiinaba ma joogsan doonaan ilaa si buuxda loo burburiyo, jawaabteennuna waxay ka sii adkaan doontaa tan caawa dhacday.”
Horaantii maanta, warbaahinta dawladda Iiraan ayaa sheegtay in la weeraray xarumo gaas oo ku yaalla goobta South Pars oo ah goobta ugu weyn ee gaaska dunida,taas oo ku taalla xeebaha gobolka Bushehr ee koonfurta Iiraan.
Isla markiiba, ciidanka Ilaalada kacaanka Iiraan waxay ku hanjabeen inay beegsan doonaan kaabayaasha shidaalka iyo gaaska ee Qatar, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta,waxaa xigtay in dhammaan goobaha ay caawa weerartay Iiraan, iyadoo weerarka ugu culus uu ka dhacay xarunta gaaska ee Ras Laffan ee dalka Qatar.



