Maxa baajiyey safarka Guddoomiye Aadan Madoobe oo ku tagi lahaa Baydhabo ?

0
13

Khamiis 19 March 2026 {HMC} Waxaa maanta baaqday safar qorsheysnaa oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), uu ku tegi lahaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo aad ugu dhow xafiiska Guddoomiyaha, safarkan ayaa u baaqday caqabado dhanka maamulka ah oo kala kulmay dhanka maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa qorshuhu ahaa inuu magaalada Baydhabo u tago hawlo la xiriira xallinta xiisadaha siyaasadeed iyo khilaafaadka ka taagan deegaannada maamulkaas, balse isku daygaas ayaa guul-darreystay.

Baaqashada safarka Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa muujinaysa heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Koofur Galbeed.

Guddoomiyaha oo deegaan doorashadiisu tahay Koofur Galbeed ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday dadaallo lagu qaboojinayo xiisadda.

Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyada Koofur Galbeed oo lagu faahfaahinayo sababta rasmiga ah ee safarka guddoomiyaha loo hor istaagay, sidoo kale xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe ayaan weli bixin warbixin faahfaahsan oo ku saabsan tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here