Gawaari u socotay Imaaraatka oo laga dejiyay Kenya.

0
20

Jimco 20 March 2026 {HMC}Gawaari ku dhow 5,000 oo laga soo raray Dalka Japan una socday Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta gaar ahaan Dubai ayaa laga dajiyay Dekedda Lamu ee Dalka Kenya kaddib markii markabkii waday uu cabsi ka muujiyay colaadda Bariga Dhexe.

Gaadiidkaan waxaa kamid ah Gawaari nooca Raaxada ah oo lacago badan ku fadhiya kuwaas oo la rabay in Dubai marka la geeyo kaddib loo kala iibgeeyo dalal dhaca Qaarado kala duwan oo ku xiran suuqa Gawaarida ee Isutagga Imaaraatka Carabta.

Kenya ayaa fursad u heshay ka faa’iidaysiga Maraakiibta u socota dhinaca Imaaraatka oo gaadiidka iyo waxyaabaha kale ee Japan uga yimid Dalkaas awoodi waayay in ay sii wadaan ama ay gaaraan Dekedda Dubai oo dhibaato xooggan ay gaarsiiyay Iiraan.

Maamulka Dekedda Lamu ayaa xusay in ay u diyaarsan yihiin soo dhawaynta maraakiibta sida badeecadaha maadaama ay Iiraan ka heleen damaanad-qaad rasmi ah oo la xiriira in ay ka nabadgalayaan beegsiga Dalalka qaar ay ku samaysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here