Khamiis 19 March 2026 {HMC} Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-Goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in maamulkiisa uu gogol u dhigayo Dowlada Federaalka & Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed si loo xaliyo khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay.
Cali Daahir Ciid ayaa xusay in gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo in ay dhigayaan gogoshaas si ay uwada hadlaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed si loo xaliyo khilaafaadka heerka sare gaaray sida uu hadalka u dhigay.
“Galmudug ahaan Gobol baan dhigaynaa oo diyaar ayaan u nahay in aan xalino khilaafka u dhaxeeya Muqdisho & Baydhabo, gobol ayaan dhigaynaa Gaalkacyo, haddii taasi ay socon waysana Dhuusamareeb ayaan dhigaynaa, waala soo dhaafay xiliyadii Shisheeywaxa aan diyaar u nahay in aan kaalinteenna ka qaadano” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka DG Galmudug, Cali Daahir Ciid.
Ma jiro war kasoo baxay Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo looga jawaabay gogoshaan Dowlad-Goboleedka Galmudug u dhigayso si loo xaliyo khilaafka soo kala dhexgalay labadaan dhinac.



