Guddoomiye Aadan Madoobe oo fariin udiray Madaxweyne Laftagareen.

0
23

Khamiis 19 March 2026 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanaka 11aad ee JFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa ka hadlay xiisadda ka siyaasadeed ee saamaysay deegaan doorashadiisa Koofur Galbeed isaga oo faahfaahin u diray Madaxweyne Laftagareen.

Aadan Madoobe ayaa shaaciyay in uu isku dayay safar uu ku tago Magaalada Baydhabo si uu uga hortago rabshada saameeya jiritaanka Dowlad-Goboleedkaas balse laga hor istaagay isaga oo eedda dusha ka saaray Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa baaq furan u diray Madaxweyne Laftagareen waxaana uu kula taliyay in uu dhowro dedaalladii horay loo geliyay xasiloonida iyo sii jiritaanka maamulkaas lana joojiyo abaabullada iska soo horjeeda labada dhinac.

Dhinaca Mucaaradka ayuu xusay in uu kala hadlay sidii ay u joojin lahaayeen duullaanka ay ku doonayaan in ay ku qaadaan ciidamada kale ee hoostaga Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen si ay meesha uga saaraan joogisteeda Magaaladaas sida ay ku doodeen uuna sheegay Aadan Madoobe.

Waxa uu bidhaamiyay in Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen uu Baydhabo ka billaabay in uu qoro dad uu doonayo in ka dhigo Xildhibaanno sidaasina uu ku qabsado Doorasho boob ah oo dadka reer koofur Galbeed sii kala fogaynaysa sida uu ku dooday Aadan Madoobe.

“Cabdicasiis waxa uu rabaa in uu meel fadhiisto oo liis uu qoro kuna dhawaaqo oo si qarda-jeex ah uu u maro doorasho aan loo dhammayn, arrintaas walaalkay waan uga digayaa, wax la aqbali karana ma aha, cid xaq u siisay in uu Xildhibaan qoro ma jirto” Ayuu yiri, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Sheekh Aadan Madoobe.

Waxa uu ka digay xiisadda siyaasadeed ee jirta isaga oo tilmaamtay in xaaladda muuqata aanay ahayn mid fudud isla markaana u baahan in wax laga qabto si loo badbaadiyo dhiigga Dadka ku sugan goobaha saansaanta ka jirto sida uu hadalka u dhigay guddoomiye Aadan Madoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here