Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, oo sameynaya wax la yaableh.

0
10

Jimco 20, March  2026 {HMC} Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi , Kim Jong Un ayaa sameynaya wax la yaableh, wuxuu muddo lix bilood ah maalin kasta oo ka mid ah waqtigiisa u badan ku qaadanayaa xarumaha milatariga iyo warshadaha hubka, halkaa oo laga arkay koror badan oo ku yimid wax soosaarka milatari ee Kuuriyada Waqooyi, wax u muuqda sida ay werisey Reuters, in Kim uu ogyahay dhacdo weyn oo dagaal oo dunidda ay wajahayso, marka la tixraaco is diyaarinta milatari ee ka gudbaysa xadka caadiga ah.

Sidoo kale , waxaa sare martay suragalnimada Kim inuu xilka hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi u diyaarinayo gabadhiisa yar Ju-ae, taa oo hadda ku dhex jirta milatari , jeneraal kasta oo milatari ahna garanaysa, isla habkii Kim loogu diyaariyay xilkan, waxayna gabadha yar ee sirdoonka reer galbeedka aysan garanayn xilliga ay dhalatay iyo meesha ay ku dhalatay hadda ay meesha ka saartay eedadeed Kim Yo Jong, oo mar loo maleyn jiray inay tahay qofka xilka ka beddelaya Kim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here