Jimco 20, March 2026 {HMC} In ka badan 4,000 gaari oo kuwa qiimo sare leh ay ku jiraan sida baabuurta shirkadda Porsche oo loo waday Dubai ayaa lagu dejiyay dekedda Lamu ee dalka Kenya, iyadoo gaadiidkan laga keenay dalka Japan ay suragal noqon wayday si badqab ah in lagu gaarsiiyo Imaaraadka Carabta , sabab la xiriirta inay weerarro la kulmayaan dekedda Imaaraadka iyo xirnaasha marinka ay maraakiibta dekedahaa ku gaari lahaayeen ee Hormuz.
Dekedda Lamu ayaa sidoo kale isku diyaarinaysa shan kun oo gaari oo kale oo isla Dubai loo waday, kuwaasoo isku darkoodu marka uu dagaalka istaago loo dirayo Dubai, xilli maamulka dekedda Lamu ay shaaca ka qaadeen inay isku diyaarinayaan qulqulka badeecooyinka ku socday dekedaha khaliijka oo aan hadda la gaarsiin karin.



