Aqalka Cad oo raadinaayo lacag dhan $200 bilyan Si ay uga Hortagaan Fashilka Dagaalka Iiraan.

0
11

Jimco 20 March 2026 {HMC} Aqalka Cad wuxuu raadinayaa lacag dheeraad ah oo milateriga la siiyo oo gaaraysa $200 bilyan, taas oo dheeraad ku ah miisaaniyadda difaaca ee sannadlaha ah ee $838.7 bilyan ee uu Congress-ku horay u ansixiyay bishii Janaayo. Pentagon-ku wuxuu sheegay in dagaalku ku kacay $11.3 bilyan toddobaadkiisii ugu horreeyay oo qura.

Iska horimaadku wuxuu galay toddobaadkiisii afaraad maalintii Sabtida, iyadoo saraakiishu ay soo jeedinayaan inuu sii socon karo toddobaad ilaa saddex toddobaad

Isku soo duub, sumcadda diyaaradda F-35 hadda waxay gashay waji kale. Hal diyaarad oo la beegsaday kama dhigayso barnaamijka oo dhan mid aanan shaqaynayn. Su’aasha se mudan in la is weydiiyo waa, in F-35 ay u babac dhigi karto dhibaatooyinka dagaalka hawada sare ah oo lala galo kuwa la tartamaya Mareykanka sida Shiinaha ama Ruushka. Iiraan ayaa dhanka jawaabta su’aashaas hadda tilaabo u qaaday.

Halkii mid oo F-35 ah sameynteedu wuxuu ku kacayaa ilaa $77 milyan. Midda Khamiistii degtay waxay u badan tahay inay tahay mid la hagaajin karo.

Laakiin gudaha Beijing iyo Moscow, waxaa indhaha dhan lagu hayaa sidii loo heli lahaa jawabata wixii dhacay khamiistii iyo waxa suurtagalka ka dhigay.

Dagaalkan oo ah mid lagu dagaallamayo qayb ahaan fahamka, qayb ahaanna iska-caabbinta, muhiimad gaar ah ayay u leedahay in Iiraan ay ka takhalustay aaminaadii ahayd in F-35 aan shiish lala heli karin. Natiijadda xigtana waxa ay u badan tahay mid aysan Washington jeclaysan doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here