WAR DEG DEG AH Dagaal goordhaw ka qarxay Duleedka Magaalada Baydhabo.

0
20

Jimco 20 March 2026 {HMC} Deeggaanka Daawiidoow oo Baydhabo 25 kilomitir u jira, dagaal ayaa hadda kasocda. Weerarka waxaa qaaday ciidanka Koonfur Galbeed.

Dagaal culus ayaa ka socda deegaan lagu magacaabo Daa’uudoow oo ku yaalla bannaanka magaalada Baydhabo. Weerarka waxaa qaaday ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, halka lagu dagaallamayo ayaa ah waxaa isku aruursanayay ciidamo ka tirsan kuwa mucaaradsan maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo isku magacaabay “Ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed.”

Waxaa xusid mudan in aan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah, maadaama dhinacyada dirirtu ka dhexeyso mid walba uu sheeganayo guulo kala duwan, isla markaana aan weli helin goobjoogayaal ka madaxbannaan labada dhinac.

Waxaana sidoo kale isku daynay inaan la xiriirno dadka deegaanka, balse weli kama aanan helin jawaab dhanka taleefanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here