Jimco 20 March 2026 {HMC} Wararka naga soo gaaraya Gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay saaka waaberigii hore howlgal qorsheysan ka fuliyeen tuulada Raama-Hudo oo ka tirsan deegaanka Gaalooga, taas oo qiyaastii 20 illaa 30-km u jirta magaalada Baydhabo.
Afhayeenka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdi Maxamed, ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaasi lagu beegsaday sida uu hadalka u dhigay fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan As .
Waxa uu xusay in ciidamada ay gaarsiiyeen khasaare xooggan, inkastoo uusan faahfaahin dheeraad ah ka bixin tirada khasaaraha rasmiga ah.
Sidoo kale, saraakiisha amniga ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallo lagu xoojinayo amniga deegaannada ku xeeran Baydhabo, oo ah xarunta maamulka Koonfur Galbeed.
Dhanka kale, xaalad kacsanaan ah ayaa laga soo sheegayaa duleedka magaalada Baydhabo, halkaas oo wararku tilmaamayaan in kooxo mucaarad ah oo ka soo horjeeda Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ay ciidamo ku urursanayaan.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in ciidamo ka soo baxay Buurhakaba ay ku biireen dhaq-dhaqaaqyadan, iyadoo la rumeysan yahay in ujeedkoodu yahay inay hor istaagaan doorashooyin la qorsheenayo in laga qabto deegaannada maamulka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Koonfur Galbeed ay shalay galinkii dambe weerar ku qaadeen kooxahan, taas oo muujineysa sii korarka xiisadda siyaasadeed iyo amni ee ka jirta gobolka.
Ilaa iyo hadda ma jiro war madax-bannaan oo si buuxda u xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay howlgalka iyo dagaalladii u dambeeyay, balse xaaladda guud ee Baydhabo iyo nawaaxigeeda ayaa u muuqata mid kacsan oo u baahan feejignaan dheeraad ah.



