Guddoomiye Aadan Madoobe oo Muqdisho kula kulmay Odayaal & Waxgarad kasoo jeeda DG Koofur Galbeed

0
14

Axad 21 March 2026 {HMC}  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Koofur Galbeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Waxa uu kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyo sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen dedaallada looga hortagayo isku dhacyo dhiig ku daata iyo wax weliba oo sababi kara burburka maamulkaas sida hadalka loo dhigay. Aadan Madoobe ayaa Odayaasha iyo Waxgaradka uu la kulmay la wadaagay dhacdooyinka taagan inta uu ogyahay maadaama uu isku dayay in uu tago Baydhabo lagana hortaagay isla markaana dhowr jeer uu waanwaan sameeyay.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Dedaha & Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo kamid ah xubnaha ay sida wayn isku hayaan Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Sidoo kale waxaa qayb ka ahaa Xildhibaanno iyo xubno kale oo dhammaantood madasha kusoo bandhigay talooyin la xiriira sida looga hortagi karo xaaladaha aan wanaagsanayn ee saansaanta colaad muujinaya ee ka taagan Deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here