Axad 22 March 2026 {HMC} Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay soo riday dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo duulayay bariga dalkaas.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed, wadar ahaan sagaal diyaaradood oo aan duuliye laheyn ayaa la soo riday tan iyo saaka.
Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegtay in weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Iran ay ku hayaan Sacuudiga ay weli socdaan. Wasaaraddu waxay maalintii oo dhan ku baahisaa bayaano dhowr ah baraha bulshada, iyadoo sheegta in diyaarado aan duuliye laheyn la qabtay laguna burburiyay hawada gobolka bari.



