Sunday 22 March 2026 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa si adag hadashay hanjabaadii maanta ka soo yeertay Madaxweynaha Dalka Mareykanka Trump iyo Israa’iil.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Iiraan, Cabbaas Caraqji, ayaa ku qoray bartiisa X in “Marinka Hormuz uusan xirnayn”, isaga oo raaciyay: “Maraakiibtu way ka caga jiidayaan sababtoo ah shirkadaha caymiska ayaa ka baqaya dagaalka aad adinka oo ula jeedo ,Maraykanka iyo Israa’iil, doorateen, ma aha Iran.”
Waxa kale oo uu sheegay in “shirkad caymis ah iyo sidoo kale qof Iiraani ah, aan lagu cabsi gelin doonin hanjabaado dheeraad ah.”
Caraqji wuxuu intaas ku daray: “Xorriyadda Maraakiibta ma jiri karto la’aanteed Xorriyadda Ganacsiga. Ixtiraama labadaba, haddii kale midna ha filanina.”



