Isniin 23 March 2026 {HMC} Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay bilaabayaan weerar cusub oo ka dhan ah caasimadda Iran ee Texran.
Warbaahinta Iran waxay shaaciyeen inay qaraxyo ka dhaceen goobo kala duwan oo caasimadda ah. Horey, Iran waxay gantaallo ku weerartay Israa’iil taas oo keentay in seeriga digniinta laga maqlo dhanka waqooyi iyo bartamaha dalka.
Bambooyinka jalfiska ah (cluster munitions) iyo hubka kale ee la adeegsanayo ayaa waxyeelo u geystay goobo badan oo ku yaala bartamaha Israa’iil, laakiin ma jiraan wax khasaare ah oo la soo sheegay. Dhanka kale, Iran waxay ka digtay inay si buuxda u xiri doonto marinka Hormuz haddii Washington ay la taageerto hanjabaadda Madaxweyne Trump ee ah inuu burburin doono warshadaha tamarta ee Iran.
Madaxweynaha Iran, Mascuud Pezeshkian, ayaa sheegay in hanjabaadaha Mareykanka ee ku aadan ‘inuu weerarayo kaabayaasha tamarta Iiran ay muujinayaan “quus”, isagoo intaas ku daray in marinka Hormuz uu “u furan yahay qof walba marka laga reebo kuwa ku xadgudbay dhulkeena sida uu sheegay,”.
Trump waxaa uu Sabtidii ku dhawaaqay inuu “burburin doono” xarumaha tamarta Iran haddii aan marinka Hormuz la furin muddo 48 saacadood gudahood.



