Warshad Maraykanka u sifaysa Shidaalka oo gubanaysa

0
13

Warshadda labaad ee sifaynta Shidaalka Maraykanka ee fadhigeedu tahay Gobolka Texas ayaa gubanaysa kaddib markii la qura la maqlay qarax ka dhacay gudaheeda waxaana xigay olol iyo uuro cirka isku shareertay sida ka muuqata muuqaallo laga soo duubay.

Waxa ay si gaar ah u sifayn jirtay shidaalka culus ee laga keeno Venezuela iyada oo marka la hagaajiyo kaddib la iib gayn jiray, waxaana si hordhac ah loosoo wariyay in khasaara xooggan uu dabkaas gaarsiiyay dhaqaalaha Maraykanka

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in dedaallo kala duwan la sameeyay si loo damiyo Dabka balse xaaladdu adkaatay mar haddii waxa gubanayo uu yahay Shidaal ay adag tahay in si fudud loosoo afjaro sida hadalka loo dhigay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu socdo baaris ay wadaan mas’uuliyiin isugu jira heer Federaal iyo heer Maamul waa Gobolka Texas si loo ogaado sababta keentay qaraxa xooggan ee la maqlay iyo dabka qabsaday Warshadda sifaysa Shidaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here