Tuesday, 24 March 2026 {HMC} Afhayeenka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdi Maxamed, ayaa Dawan u xaqiijiyey inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in maamulka uu la wareegay diyaarad ciidan, ama ay jirto diyaarad ku soo dhacday Baydhabo oo ay gacanta ku hayaan.
Beenintan ayaa daba socotay kaddib markii saacadihii u dambeeyey ay jireen warar sheegayay in diyaarad ciidan oo waajid ka soo duushay ay Baydhabo ku degi rabtay, balse la xabbadeeyey, isla markaana ay gacanta u gashay maamulka Koonfur Galbeed.



