Maxa kajiro in DFS Xabsi guri ka dhigtay Sarreeye Guuto Mahad Cabdiraxmaan?

0
14

Khamiis 26 March 2026 {HMC}  Xubnaha Mucaaradka ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeyay in ay ciidamo dul dhigtay hoyga Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Bayaan ka soo baxay Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shiikh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay ka xunyihiin tillaabada dowladda ee xabsi gurigada uga dhigtay Taliye Mahad.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhankiisa caddeeyay in Taliye Mahad gurigiisa ciidamo la dulgeeyay, tillaabadaasina aan la aqbali karin.

Hadalka Xubnahan Mucaaradka ayaa ku soo aadaya xilli maalintii shalay Golaha Wasiirrada ee Xukumadda Federaalka ay fadhi wadajir ah xilka uga qaadeen Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan, iyagoo magacaabay Taliye Maxamed Shiikh Xasan Xaamud.

Dhinaca kale, Cod kooban oo saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada uu ku faafiyay Taliye Mahad Cabdiraxmaan ayuu ku caddeeyay inuusan xabsi ku jirin, isla markaasn wararka la sheegayo ay been yihiin.

Mahad Cabdiraxmaan oo laba jeer soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa aad ugu dhow Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo khilaaf kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here