Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre oo xil ka qaadis ku sameeyay labo wasiir .

0
10

Khamiis 26 March 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xilalkii ka qaaday Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Ismaaciil Shire Jaamac, iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Asad Cabdirisaaq Maxamed.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, go’aankan ayaa lagu saleeyay qodobbada 120-aad iyo 117-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale xusay in Ra’iisul Wasaaruhu tixgeliyay baahida loo qabo xoojinta iyo dardargelinta hawlaha wasaaradaha ay khuseyso.

Labada mas’uul ee xilalka laga qaaday ayaa horraantii bishan Maarso iska casilay jagooyinkooda, iyagoo kamid ahaa xildhibaanno ka horyimid wax ka beddelka dastuurka iyo faragelinta ay dowladda ku hayso dowlad goboleedyada.

Waxay sidoo kale kamid ahaayeen xildhibaanno dib ugu laabtay magaalooyinka Garowe iyo Kismaayo, halkaas oo ay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan maamullada Puntland iyo Jubbaland ee deegaan doorashadooda.

Ilo-wareedyo dowladda ka tirsan ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre la filayo inuu 24 saac ee soo socda magacaabo mas’uuliyiinta buuxin doona xilalka bannaan. Waxaa sidoo kale jira xubno kale oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo iyaguna iska casilay jagooyinkooda toddobaadyadii la soo dhaafay.

Dhanka kale, xukuumadda federaalka ayaa wajahaysa xaalad siyaasadeed oo cakiran, iyadoo muddo xileedkeeda uu ka harsan yahay wax ka yar laba bilood, isla markaana uu sii xoogeysanayo khilaafka kala dhexeeya qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here