Imisa magaalo oo ka tirsan Koofur Galbeed ay la wareegtay dowladda Soomaaliya?

0
22

Khamiis 26 March 2026 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ku bixinaysa sidii ay u maamuli lahayd magaalooyinka ugu waaweyn maamulka Koofur Galbeed, kuwaas oo ay ku xooggan yihiin mucaaradka madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Magaalooyinkaan oo ah kuwa muhiim ayna ka mid yihiin caasimadaha gobollada Shabeellaha Hoose iyo Bakool ayaa la soo warinayaa in ay ka taliyaan maamul hoos taga dowladd dhexe.

Maagaalooyinka kala ah; Baraawe, Marka, Afgooye, Waajid, Xudur, Buurhakaba, Qansaxdheere, iyo Diinsoor, kuwaas oo dhammaantood wada dhaca gobollada Baay, Bakool, iyo Shabeelaha Hoose ayaa hadda waxaa gacanta ku haysa dowladda dhexe.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook ayaa ku sheegay in madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uu hadda kataliyo magaalada Baydhabo.

Mr. Jaamac oo loo garan og yahay Wasiir madaxaa nafuran ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Hal degmo oo maanta Duqaas (Laftagareen) gacantiisa ku hartey ma jirto marka Xaafdda uu ka deganyahay Baydhabo laga reebo, iyadana mar dhow waa laysugu imaanaa.”

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa todobaadkaan maamul cusub u soo magacawday gobolka Bakool iyo magaalooyinka Xudur iyo Waajid, taas oo dhalisay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ay dhankayda maamul cusub u soo magacawday qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Koonfur Galbeed oo hadda ku jirta xaalad kakan ayaa deegaannada ka maqan gacanta maamulkaas waxaa ku sugan wasiiro iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe, kuwaas oo wada abaabul iyo diyaarin ciidan la sheegay in ay ka shaqeenayaan sidii ay u qabsan lahaayeen deegaannada hoostaga maamulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here