Maxay tahay sababta Iiraan u diidantahay wadahadallada Trump?

0
17

jimco 27 March 2026 {HMC} Toddobaadkan, Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanka iyo Iiraan ay wadaan “wada-hadallo wanaagsan oo wax-ku-ool ah” si dagaalka loo joojiyo. Laakiin Iiraan si cad ayay u beenisay. Mas’uuliyiinta Iiraan waxay sheegeen in wax wada-hadallo ah aysan dhicin, afhayeen ka tirsan ciidamada ayaa xitaa ku qoslay, isagoo yiri Maraykanku “isagaa isla hadlaya.”

Waxaa muuqata farqi weyn, Washington waxay sheegaysaa horumar, halka Tehran si buuxda u diiday. Arrintani waxay ka dhalatay kalsooni-darro qoto dheer oo u dhexeysa labada dhinac.

Sannadkii la soo dhaafay, wada-hadallo ayaa dhexmaray dhinacyada, iyadoo rajadu ahayd in xiisadaha la yareeyo. Wareegii ugu dambeeyay ayaa Maraykanku muujinayay welwelkiisa ku aaddan barnaamijka nukliyeerka Iiraan. Laakiin wada-hadalladaas ka dib, Maraykanka iyo Israa’iil ayaa mar kale weerar milatari ku qaaday Iiraan. Iiraan waxay u aragtay in wada-hadalladu aysan yareyn fursadda dagaalka. Taasi waa sababta dadka qaar uga shakiyaan hadalka Trump.

Si kastaba ha ahaatee, diidmada Iiraan macnaheedu ma aha inay gebi ahaanba ka soo horjeedo wada-hadallada. Xitaa dadka taageera diblomaasiyadda waxay dareemayaan cadaadis. Dib u bilaabista wada-hadalladu waa arrin halis ah, mana jirto cadeyn muujineysa in markan ay wax ka duwanaan doonaan sidii hore.

Calaamaddan ayaa tilmaamaysa sababta Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabbaas Caraqji iyo mas’uuliyiinta kale ay ugu hadlaan qaab qallafsan. Xitaa ka hor qoraalka Trump, Caraqjii wuxuu sheegay in Iiraan aysan raadin wada-hadallo ama joojin dagaal, oo ay diyaar u tahay inay dagaalka sii waddo. Madaxa Golaha baarlamanaka Iiraan ayaa sidoo kale diiday soo-jeedintii Trump, isagoo sheegay in “ereyada Trump ay yihiin been.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here