Malaga yaba in Ugandha ay kubiirto Dagaalka Bariga Dhexe.?

0
15

jimco 27 March 2026 {HMC} Taliyaha guud ee Ciidamada Uganda ahna wiilka uu dhalay Madaxweynaha Dalkaas Jaranaal Muhoozi Kainerugaba ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay ka qaybgalka Dagaalka Bariga Dhexe iyada oo Kampala ay garabsiinayso Isbahaysiga Maraykanka & Israa’iil.

Muhoozi ayaa sheegay in dalkiisa uu doonayo difaaca Israa’iil si aan loosoo afjarina ay diyaar u yihiin ka qaybgalka Dagaalka isaga oo is tusiyay awood dheeraad ah oo uu xusay in ay u leeyihiin la dagaalanka Iiraan sida uu ku muujiyay fariin uu soo dhigay bartiisa Xiriirka Bulshada.

“Hadal weliba oo ku saabsan burburinta ama ka adkaanshaha Israa’iil waxa uu nagu qasbi doonnaa in aan galno dagaalka, waxaan la safan doonnaa Israa’iil” Sidaasi waxaa yiri Taliyaha guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Janaraal Muhoozi Kainerugaba.

Isbarbardhigga Awoodda Ciidan ee Uganda vs Iiraan:

Marka la sameeyo qiimaynta dhinaca Ciidanka iyada oo lagu salaynayo tiradiisa, awooddiisa, qalabkiisa ciidanka, Askarta Kaydka ah iyo meelo kala duwan waxaa la dhinac dhigaa Dalalka kale waxaana ugu dambayn la geliyaa booska uu u qalmo.

Uganda waxa ay qiimayntii ugu dambaysay la sameeyay ee dhinaca awoodda ciidanka guud ahaan Caalamka kasoo gashay booska 107aad halka Iiraan ay ku jirto 15ka Dal ee ugu horreeya kala sarraynta awoodda ciidan ee warbixintaan qiimaynta ah.

Waxaa jira waxyaabo badan oo Iiraan haysato balse aanay xitaa abid soo marin Uganda sida Barnaamijka Nukliyeerka, Gantaallada casriga ah ee meelaha fogfog gaaraya, Nidaamka Difaaca hawada, soosaarka ugu badan ee Shidaalka, Hubka iyo qalabka kale ee muhiimka ah.

Uganda waxa ay haysataa ciidamo dhulka ah oo qalab ahaan heli kara 240 ilaa 256 taangi ah, in ka badan 1,000 gaadiidka gaashaaman & ciidan gaaraya 46,000 oo askari sida lagu xusay warbixinta lagu kaydiyay awoodda ciidamada dalkaas.

Iiraan waxaa dagaal toos ah diyaar u ah ciidamo gaaraya 580,000 oo askari waxaana usii dheer 200,000 oo askari oo kayd ah, waxa ay leedahay Diyaarado dagaal oo isugu jira kuwa ay ka heshay dalalka ay saaxiibada yihiin iyo kuwo ay samaysay.

Haddaba, Uganda oo aan lahayn difaaca, haysan hub lamid ah ama u dhaw kan Iiraan maxaa dhici kara haddii ay ku dhiirrato dagaalka in ay ku biirto?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here