Colaaddii muddada dheer ka taagnayd dad wada degta deegaanada Baarrow Weyne iyo Mareereey oo Xal laga gaaray.

0
27

Jimco 27 Mar 20026 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Mudane Maxamuud Maxamed Nuur Masdile, ayaa ku guuleystay hirgelinta mid kamid ah heshiisyadii is-afgarad ee horay loogu gaaray colaaddii muddada dheer ka dhex taagnayd bulshada wada degta deegaanada Baarrow Weyne iyo Mareereey.

Maanta waxaa si rasmi ah loo fuliyay qodob muhiim ah oo ka mid ahaa heshiiska, kaas oo ah kala qaadashada magta marxuumiintii ku naf waayay colaadda, iyadoo mas’uuliyiinta ay goob-joog iyo marag ka ahaayeen si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo hirgelinta heshiiska.

Odayaasha dhaqanka ayaa uga mahadceliyay maamulka gobolka iyo kan degmada dadaalladii ay ku bixiyeen nabadeynta iyo mideynta bulshada, iyagoo tilmaamay in tani ay tahay tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka nabad waarta.

Mas’uuliyiinta ayaa dhankooda ku adkeeyay in la dhameystiri doono qodobada harsan, oo ay kamid tahay kala saarista soohdinta, si looga hortago khilaafyo mustaqbalka dhaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here