Ciidanka xooga dalka oo howlgal kadhan AS ka fuliyey deegaan hoos yimaada Baydhabo.

0
20

Axad 29 March 2026 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeya Ciidanka Dowladda oo kashanaya kuwa deegaanka iyo AS oo ka ka dhacay tuulada Deynuunay oo 18 KM u jira magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Afhayeenka Howlgelinta Badbaadada Koofur Galbeed, Maxamed Xuseen John ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan Deynuunay, isla markaasna ay hadda u sii socdaan magaalada Baydhabo.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dagaalka ay u adeegsadeen duqeymo ay fulinayaan saaxiibada caalamka, isla markaasna ay ka adkaadeen xubnihii AS ee wadadada u galay.

Hadalka Afhayeenka ayaa ku soo aadaya xilli dhankooda Maamulka Koofur Galbeed sheegay in ay kor taagan yihiin 200 Diyaaradaha Turkiga ee Beyrakdar oo ay adeegsaneyso Dowladda Federaalka.

Dhinaca kale Waxaa gabi ahaanba istaagey isku socodka dadaweynaha ee deegaannada Koofur Galbeed gaar ahaan gaadiidkii gali jiray magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee KGS.

Xaaladda ayaa ah mid aan weli daganeyn, iyadoo ay sii fideyso xiisadda u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koofur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here