Maxay tahy eedeynta ay Koonfur Galbeed u jeedisay Dowladda Turkiga?

0
18

Axad 29 March 2026 {HMC} War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay walaac xooggan oo ku saabsan adeegsiga ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qalab militari oo ay bixisay Dowladda Turkiga, kuwaas oo sida lagu sheegay War-saxaafadeedka loo isticmaalay weeraro ka dhan ah shacabka reer Koonfur Galbeed.

Qoraalka ayaa xusay in ciidamada Soomaaliyeed ee ay tababareen Turkiga, iyo gaadiidka gaashaaman ee loogu talagalay la dagaallanka argagixisada, loo weeciyey howlgallo ka dhan ah bulshada deegaanka.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay warbixinta in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drone) ee Turkiga ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada ciidamada Dowladda Federaalka ee ku wajahan magaalada Baydhabo.

Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa tilmaantay in tallaabooyinkan ay khatar ku yihiin amniga, xasilloonida iyo wadajirka bulshada, isla markaana ay muujinayaan suurtagalnimada in qalabkii loogu talagalay la dagaallanka argagixisada loo adeegsaday xaalado kale oo gudaha ah.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale xusay in Dowladda Turkiga ay muddo dheer saaxiib dhow la ahayd shacabka Soomaaliyeed, balse xaaladda hadda jirta ay dhalisay walaac ku aaddan doorkeeda ku aaddan khilaafaadka gudaha.

“Waxaa sidoo kale la soo wariyey in diyaaradaha Drone ka ee Turkiga ay ilaalinayaan Ciidamada Dowladda ee ku wajahan Baydhabo ee la rabo in lagu gumaado Shacabka reer Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dowladda Turkiga waxay saaxiib la ahayd Shacabka Soomaaliyeed, balse hadda waxay u muuqataa inay ka qayb qaadanayso dagaal sokeeye ee gudaha Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn, Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqday Dowladda Turkiga inay dib u eegto kaalinteeda, islamarkaana ay ka hortagto in qalabkeeda iyo taageeradeeda loo adeegsado waxyeello ka dhan ah shacabka rayidka ah, iyadoo ku baaqday in la ilaaliyo nabadda iyo wada noolaanshaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here