Iraan oo ku hanjabaadii ugu Adkeed u Dirtay Mareykanka iyo Israaiil.

0
11

Isniin 30 March 2026 {HMC} Afhayeenka Xarunta Dhexe ee Khatam al-Anbiya ee Dowladda Iiraan Ebrahim Zolfaghari,oo ah cutubka ugu sarreeya ee taliska howlgallada ee isku xira ciidamada qalabka sida — ayaa ku hanjabay in ciidamada qalabka sida ay beegsan doonaan guryaha “Abaanduulayaasha iyo mas’uuliyiinta siyaasadda Mareykanka iyo Israa’iil ee gobolka”.

Wuxuu sheegay in tani ay tahay “tallaabo aargoosi ah” ka dib markii uu Mareykanka iyo Israa’iil ku eedeeyay inay bartilmaameedsadeen guryaha dad rayid ah oo Iiraani ah magaalooyin kala duwan.

Dhowr taliyeyaal iyo mas’uuliyiin milatari oo Iiraan ka tirsan ayaa ku dhintay dagaalka, oo ay ku jirto Hoggaamihii Sare ee Iiraan ee Marxuumka, Ayatollah Ali Khamenei, oo la dilay maalintii ugu horreysay ee dagaalka, 28-ka Febraayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here