GarsoorE Cumar Cartan oo gaaray heer Caalami.

0
13

Isniin 30 March 2026 {HMC} Waxaa si weyn u soo kordhaya sumcadda iyo kalsoonida lagu qabo garsoorka Soomaaliyeed, kadib markii garsoore Soomaaliyeed lagu aaminay inuu dhex-dhexaadiyo kulan caalami ah oo muhiim ah.

Garsoore Kaafi Shiine ayaa habeen dambe, saacadda 7:00 fiidnimo waqtiga Geeska Afrika, garsoori doona ciyaarta kama dambaysta ah (Final) ee u dhaxaysa xulalka Rwanda iyo Estonia. Ciyaartan oo ka tirsan tartanka FIFA Series Cup, ayaa lagu qaban doonaa magaalada Kigali, caasimadda dalka Rwanda.

Doorashada garsoore Soomaaliyeed ee kulan heerkan ah waxay muujinaysaa horumarka iyo kalsoonida sii kordheysa ee garsoorka Soomaaliya ku leeyahay fagaaraha caalamiga ah.

Tani waa guul weyn oo u soo hoyatay garsoorka Soomaaliyeed, waxayna astaan u tahay dadaalka iyo xirfadda ay muujiyeen garsoorayaashu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here