Isniin 30 March 2026 {HMC} Madaxda Dowladda Federaalka iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee Muqdisho ku sugan ayaa lagu wadaa in kulan ka yeeshaan Xaaladda Dalka kaddib markii fadhigaan la diyaariyay todobaadkii tagay loona muddeeyay maanta oo Isniin ah.
Qodobada diiradda la saarayo waa Amniga, Siyaasadda, Xaaladaha Bani aadamnimo iyo howlaha geeddi socodka Dalka oo Dowladdu ay xustay in ay hirgelinayso Doorasho Dadweyne si meel la isaga dhigo doorashadii Dadbanayd.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin dhammaystiran ka siin doonta Wakiillada Beesha Caalamka xaaladda Dalka, Doorka looga baahan yahay in ay ka qaataan qodobada hortabinta leh iyo waxyaabaha ay doonayso in laga kaalmeeyo.
Xubnaha Beesha Caalamka ayaa dhankooda gudbin doonna fariintooda ku saabsan arrimaha taagan, kaddib waxa ay shaacin doonnaan mowqifkooda su’aasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hordhigtay.
Saacadihii u dambeeyay waxaa socday kulamo gaargaar ah oo Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Wakiillada Beesha Caalamka ay wadeen si dhinac weliba uu u diyaarsado qodobada uu la shirtagi karo iyo jawaabaha macquulka ah ee looga baahan karo.
La soco wixii kasoo kordha



