dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay dagaalka Baydhabo

0
24

Isniin 30 March 2026 {HMC} Baydhabo barqadii maanta waxaa la soo warinayey in ay gudaha u galeyn ciidamo ka tirsan dowladda FS, kuwaas oo illaa iyo shalay ku jiray dagaal ay iskaga hor imaadeyn dagaallamayaal Alshabaab ka tirsan duleedka Baydhabo.

Wasaaradda ayaa qoraal ay ku qortay baraheeda bulshada ku sheegtay in ay soo qab-qabtay dagaallyahanno ay ku tilmaameyn in ay amar qaadanayeen Cabdicasiis Lafta Gareen.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka waday duleedka magaalada Baydhabo, ayaa saaka waxaa weerar kusoo qaaday maleeshiyaad hubeysan oo ka amar qaata Cabdicasiis Laftagareen, iyagoo iska caabiyay isla markaana jabiyay maleeshiyaadkii kusoo qaaday weerarka gardarrada ah,iyagoo gacanta ku dhigay qaar ka mid ah maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday”.

illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin maamulka Cabdicasiis Lafta Gareen oo la sheegay in la jabiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here