Isniin 30 March 2026 {HMC} Wararka laga helayo Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Badbaadada Koonfur Galbeed ay inta badan la wareegeen magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kadib dagaal culus oo ay maanta la galeen ciidadama Lafta-gareen.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo ciidamada oo guda galay xaafaddo dhowr ah oo ku yaalla bartamaha magaalada, waxaana si weyn usoo dhaweeyay bulshada deegaanka.
Sidoo kale, waxaa la arkayay saraakiisha ciidamada dowladda, sida taliyahah cusub ee Booliska Gobolka Baay Sadiiq Doodishe iyo wasiirka xanaanada xoolaha Xasan Eelaay oo dhex lugeynaya magaalada gudaheeda, taas oo muujineyso in laga aadkay Laftagareen iyo ciidamadii taabacsanaa.
Dagaalka ayaa haatan yare qaboobay, maadaama lasoo jabiyay ciidankii difaaca ku jiray ee maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo sidoo kale nolosha lagu qabtay qaar kamid ah askartii taabacsaneyd maamulka Cabdicasiis Lafta-gareen.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in inta badna mas’uuliyiinta Koofur Galbeed ay ku sugan yihiin madaxtooyada iyo aagga garoonka, halkaas oo ay sidoo kale joogaan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM.
Horay ciidamada Itoobiya ayaa u sheegay in aysan difaaci doonin Lafta-gareen, dowladduna waxa ay caddeysay in aysan weerari doonin xarumaha ay joogaan ciidamada nabad ilaalinta ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Arrintan ayaa muuqata mid soo afjareysa maamulka Lafta-gareen, waxayn guud wayn u tahay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.
Wixii soo kordha kala soco Hiiraanweyn.net



