Isniin 30 March 2026 {HMC} Cabdicasiis Xassan Maxamed oo ku magac dheer Laftagareen ayaa markii ugu horreysay sanadkii 2018 loo doortay madaxweynaha Koofur Galbeed.
Wuxuu ku dhashay degmada Luuq ee gobolka Gedo, sanadkii 1970.
Waxbarashadiisii dugsiga hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay isla degmada Luuq. Wuxuu Luuq ka ahaa macallin iskuul. Magaalada Muqdisho ayuu jaamacad ka dhigtay. Xilal badan ayuu na dowladihii dalka soo maray ka soo qabtay.
Sanadkii 2007 wuxuu ahaa maamule ku xigeenkii Furdada Xamar.
Sanadkii 2008 wuxuu xukuumaddii raysal wasaare Nuur Cadde ka soo noqday wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada. Sanadkii 2009 wuxuu xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ka noqday wasiirka gaadiidka iyo arrimaha badda.
Isla xukuumaddii Cumar Cabdirashiid wuxuu sanadkii 2010 ka noqday wasiirka xannaanada xoolaha. Xukuumaddii raysal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu noqday wasiiru dowlaha boostada, isgaarsiinta iyo warfaafinta.
Xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu noqday wasiir ku xigeenka kalluumeysiga. Xukuumadda raysal wasaare Xasan Cali Kheyrre wuxuu ka noqday wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga.
Wuxuu u tartamay guddoomiye baarlamaan. Wuxuu noqday wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha.
Xigasho BBC



