Kulan dhaxmaray Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Ciidanka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika AUSSOM.

0
10

Talaado 31 March 2026 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Abdullahi Sheikh Ismail – Fartaag, ayaa daah-furay Barnaamijka Taageerada Xasilinta Wadajirka ah, Awood-siinta Wasaaradda Amniga Gudaha (MOIS) iyo Ciidanka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika (AUSSOM), kaas oo ujeedkiisu yahay xoojinta awoodda hay’adaha amniga, horumarinta wada-shaqeynta istiraatiijiga ah, iyo taageeridda dadaallada xasilinta iyo nabad-ilaalinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda daah-furka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ka kala socday hay’adaha amniga ee dowladda, wakiillo ka socday Ciidanka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika (AUSSOM), madax ka socotay UNSOS,, oo door muuqda ka qaadatay taageerada hirgelinta barnaamijkan. Sidoo kale, waxaa goob-joog ka ahaa Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Danjire Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Cabdiraxmaan Yuusuf, Isuduwaha Qaranka ee Mashruuca Japan ee MOIS-AUSSOM, iyo Mudane Badri Maxamed Axmed, La-taliye Sare ee Xafiiska Amniga Qaranka.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Fartaag, ayaa xusay in barnaamijkani muhiim u yahay horumarinta tayada iyo waxtarka hay’adaha amniga, isagoo diiradda saaraya kobcinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha, tayeynta qalabka, iyo casriyeynta hababka shaqo si loo dhiso nidaam amni oo waara, hufan, isla markaana ku dhisan isla-xisaabtan iyo wada-shaqeyn joogto ah.

Wasiirku waxa uu si gaar ah uga mahadceliyey Dowladda Japan taageerada joogtada ah ee ay siiso dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta, dib-u-dhiska hay’adaha amniga, iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida dalka, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga caalamiga ah si loo gaaro amni iyo horumar waara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here